Afar qof oo burcadnimo loogu xiray Embu iyo Meru

0
307

Booliiska ismaamullada Embu iyo Meru ayaa gacanta ku dhigay afar eedeysanayaal oo si awood ah u gaystay falal burcadnimo.
Tuhmanayaal kale ayaa lagu qabtay dowlad deegaannada Kirinyaga iyo Tharaka Nithi.
Labada qof ee lagu soo xiray Embu ayay booliiska magacyadooda ku sheegeen Benard Fundi iyo Risper Wambui .
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in howlgallada laga sameeyay qaybo ka mid ah gobolka bartamaha wadanka lagu soo helay hub la rumeysan yahay in loo adeegsaday weerarro iyo falal dambiyeedyo dhacay.
Eedeysanayaasha ayaa lagu helay baangado ah, seef, biraha wax lagu gooyo iyo sidoo kale baabuur ay dhaca ku gaystaan.
Booliiska ayaa dhanka kale labo burcad kale ka soo qabtay ismaamulka Meru.
Waaxda DCI-da ayaa shacabka ku boorrisay inay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta ciribtirka burcadda dhibaateysa dadweynaha gobolka bartamaha dalka.