Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in wax adeeg ah uunan ka jirin isbitaalka Nasser Hospital ee magaalada Khan Younis.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay muddo bil ku dhow halkaasi ka waddo duqeymo.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 200 oo bukaanno ah ay xaruntaasi ku jireen markii la bartilmaameedsanayay.
Isbitaalkan ayaa ah midka labaad ee ugu wayn ee agga Qaza.
Dhanka kale ugu yaraan 127 qof ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanaysa Qaza.
Tani ayaa tirada guud ee dadka lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 28,985 qof halka 68,883 kalena la dhaawacay.