Wasiirka wasaaradda cayaaraha iyo arrimaha dhallinyarada ee dalka Ababu Namwamba ayaa ka jawaabay muuqaal si wayn loogu faafiyay baraha ay bulshada ku xiriirto.
Muuqaalka ayaa laga dhex arkaya haweeney aflagaadeynaysa shaqaale caafimaad iyadoo ku hanjabaysa inay wici doonto wasiirka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi ay ka dhacday isbitaalka Port Victoria ee ismaamulka Busia.
Haweeneyda ayaa ku andacoonaysa in aan loo adeegin bukaan halkaasi la geeyay.
Hasa ahaate wasiirka ayaa sheegay in falkaasi aan lala xiriirin karin maadaama uunan ahayn mid waafaqsan qaabka uu bulshada ugu adeego.
Ababu ayaa xusay inuu si cad u cambaareynaya dhaqan kasta oo liddi ku ah hufnaanta iyo anshaxa.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu baaritaano qoto dheer ku sameyn doono dhacdadaasi si uu u qaado tallaabo lagu saxaya qaladka dhacay maadaama magaciisa la soo qaaday.