Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay saraakiisha ammaanka garab ku siiyaan dhaqangelinta amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Waxaa uu dhanka kale difaacay howlgallo ay boolisku sameyeen Sabtidii kuwaasoo sababay in gaadiid badan uu muddo saacado ah ku xayirmo wadooyin kala duwan.
Waxay qaylo-dhaan wayn ka soo yeeray howlgalkii ay ciidamada ammaanka ka sameyeen wadada weyn ee Thika .
Shacabka ayaa baraha bulshada ku muujiyay dareenkooda iyaga oo laamaha ammaanka ku eedeyay in ay dadweynaha dhibaateynayaan.
Hasa ahaate abaanduulaha booliska dalka Mr. Mutyambai ayaa sheegay in saraakiisha amar adag lagu siiyay dhaqangelinta bandowga habeenkii iyo xeerarka kale ee ka dhanka ah COVID-19.
Waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii soconayaan ilaa iyo inta laga yareynaya faafidda caabuqa corona.