DHAGEYSO:Koome oo loo dhaariyay xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka

0
297

Waxaa maanta xilkiisa loo dhaariyay taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome oo uu baarlamaanka ansixiyay ka dib turxaan bixin dhawaan lagu sameeyay.
Waxaa sarkaalkan xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi ku dhaarisay madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome.
Koome ayaa dhaarashada ka dib ballanqaaday in gudashada waajibaadkiisa shaqo uu ku saleyn doono u hoggaansanka xeerarka dastuurka ee wadanka u degsan.
Waxaa uu sheegay inuu suureysan karo mas’uuliyadda lagu aaminay sidaas awgeedna uu ballanqaadayo inuu inta karaankiisa ah ka soo bixi doono.
Waxaa uu sidoo kale wacad ku maray la tacaalidda falalka amni darro ee ka dhaca qaybaha wadanka.
Mas’uulkan ayaa cadeeyay inuu ka war qabo in bilooyinkii ugu dambeeyay uu hoos u dhacay amniga dalka.
Koome ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu wax ka qaban doono burcadnimada iyo falalka xoolaha lagu dhaco ee ka jiro qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Waxaa uu digniin adag u diray shakhsiyaadka ku howlan falal dambiyeedyada oo uu sheegay in marnaba aan beer-jilleec loo muujin doonin.

Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay howlahooda caadiga ah wataan isagoo u ballanqaaday in adeegga qaran ee booliska ee NPS uu badbaadin doono nolosha iyo hantida shacabka.