Aabbe wiilkiisa ku dilay deegaanka Embakasi

0
387

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in aabbe uu wiilkiisa oo saddex sano jir ahaa ku dilay xaafadda Tassia ee deegaanka Embakasi.
Wiilka yar ayaa lagu magacaabi jiray Derick Okeyo.
Waxaa falkan gaystay Victor Ayieko oo 30 sano jir ah kaasoo ay kala tageen hooyada wiilka dhashay oo lagu magacaabo Nancy Adhiambo.
DCI ayaa laga soo xigtay in Victor uu si dhuumaaleysi ah ku yimid guriga isagoo kaxeeyay wiilka yar ka dibna dilay ka hor inta inta uunan naftiisa khaarijin.