Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay ayaa gacanta ku dhigay aabbe ku eedeysan inuu faraxumeeyay gabadhiisa oo 14 sano jir ah.
Tuhmanaha oo ay da’diisu tahay 45 sano ayaa falkan ka gaystay tuulada Andingo .
Waxaa eedeysanaha hadda lagu hayaa saldhigga booliiska ee deegaanka Ndhiwa iyadoo waaxda daryeelka carruurta iyo booliiska Homa Bay ay sugayaan warbixinta isbitaalka ka hor inta aan ninkan maxkamad la soo taagin.
Guddoomiyaha tuuladaasi ,Samson Owili ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha uu gabadhiisa faraxumeynayay habeenkii.
Owili ayaa intaasi ku daray in aabaha iyo xaaskiisa ay kala tageen isagoo maqnaanshaha hooyada uga faa’iidaystay inuu inanta ku xadgudbo.