DHEGEYSO:Wasiirka caafimaadka oo ballan qaadey bixinta waraaqadaha lahaanshaha ee dhulalka isbitaalada

0
500

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Bare Ducaale ayaa ballan qaaday in si degdeg ah loo bixin doono warqadaha lahaanshaha dhulalka ee dhammaan xarumaha caafimaadka dadweynaha si looga hortago dhaca dhulka iyo ilaalinta hantida guud.
Intii uu ku guda jiray booqashadii uu ku tagay cisbitaalka guud ee ismaamulka Kericho, halkaas oo uu ku wareejiyay warqada lahaanshaha rasmiga ah ee cisbitaalka,wasiir duale waxa uu carabka ku adkeeyay baahida degdega ah ee loo qabo lahaanshaha dhul sharci ah ee guud ahaan xarrumaha caafimaadka si loo ilaaliyo loona xoojiyo kaabayaasha caafimaadka.