10 qof oo ku dhimatay duufaan xoogan oo ku dhufatay gobolka Guizhou ee dalka Shiinaha

0
242

Duufaan kedis ah oo ku dhufatay koonfur galbeed ee gobolka Guizhou ee dalka Shiinaha ayaa saameyn ku yeelatay afar doonyood, waxaana ku dhintay 10 qof ,70 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
In ka badan 80 qof ayaa ku dhacay biyaha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha ee Isniinta maanta ah.
Dhacdadan ayaa timid ka dib roobab xoogan oo baraf watay oo ka da’ay qeybo ka mid ah waddan Shiinaha.
Waxaa sido kale ay duufaanta ku dhufatay maraakiib marayey meel ka baxsan wabiga Wu ee u dhow magaalada Qianxi.