Guddoomiyihii degaanka Garasbaaleey oo qarax lagu dilay

0
480

Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey, ee duleedka Muqdisho, C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo 2 ka mid ah Illaaladiisa ayaa lagu dilay Qarax Miino, xilli ay Masjid Deegaankaasi ku yaala ka soo baxeen Salaadii Jimcaha maanta.
Sarkaal u hadlay Booliska ayaa u sheegay warbaahinta Soomaaliya inay wadaan baaritaano , si loo helo raadad suurtagalin kara in la soo kuwii dilka geystay.
Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare), waxaana lagu qarxiayy sida wararku sheegayaan meel u dhaw Masaajid uu ku dukan jiray, oo ku yaalla degaanka Garasbaaleey.