Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo agab casri ah lagu wareejiyay

0
628

Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden ayaa Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowlada Fedraalka Soomaaliya waxay ku wareejiyeen qalabka loo adeegsado baarista dukumiintiyada dadka wadanka galaya iyo kuwa ka baxaya.
Qalabkaan ayaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya la sheegay inuu ka caawini doona baarista dukumeentiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraaya lahaanshaha Dukumeentiga uu Xafiiska kaga Gudbayo.
Munaasabada qalabkaan lagula wareejinayay Masuuliyiinta Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya ayaa waxaa barbar socday tababar ku saabsan baarista dukumeentiga safarka,oo loo qabtay xubno ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol oo ciidanka ilaalada Soohdimaha ka mid ah.
Tababarkaan oo ay iska kaashadeen Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowlada Soomaaliya iyo Safaaradda Sweden, ayaa waxaa macalimiin ka ahaa Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).