Narendra Modi oo ballan qaaday in sharci la horkeeni doono dadkii geestay weerarkii Kashmir

0
377

Raa’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ballan qaaday in weeraryahanadii Pahalgam ay helli doonaan ciqaabta ugu adag.
Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in ay dhacday rasaas “aan loo meel dayin” oo ay Pakistan ka bilawday khadka xakamaynta – xuduudka dhabta ah ee Kashmir u kala qaybiya laba qaybood balse Pakistan ayaa weli aan ka soo hadlin sheegashadan.
Sabtidii, Raa’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku baaqay in baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo weerarkii 22-kii bishan April lagu dilay 26 qof. Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysay “argagixisada” xuduudka isaga gudba, eedeymahaas oo Pakistan ay iska fogeeysay.
Hindiya ayaa qaaday tillaabooyin kala duwan, oo ay ku jirto inay hoos u dhigtay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Pakistan iyo inay hakisay ka qayb galka heshiiska biyaha ee Indus Water, ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dadka rayidka ah muddo labaatan sano ah.