In ka badan 45 qof oo lagu dilay Qaza

0
586

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 45 ruux ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil xalay ilaa iyo saaka ay ka gaysanayeen Qaza.
In ka badan 100 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarrada.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ay Israa’iil dishay ugu yaraan 51,305 Falastiiniyiin ah halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 117,096 kale.