Baadari loo xiray faraxumeyn uu gabar yar u geestay

0
386

Baadari deggan degmada Ikonge ee ismaamulka Nyamira ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inuu gabar 14 sano jir ah ku faraxumeeyay kaniisad ku taal Ikonge.
Sida uu sheegay maamule maxalli ah, falka ayaa dhacay fiidnimadii 20-kii April ee sanadkan, markii xubin ka mid ah dadweynaha ay u wargaliyeen saraakiisha booliiska ka dib markii la sheegay in ay arkeen baadariga oo 42 sano jir ah oo isku xiray gudaha kaniisadda isaga iyo cunuga yar.
Saraakiisha ayaa soo gaaray kaniisada oo ku taallo deegaanka Waqooyiga Nyamira si ay baaritaan ugu sameyaan dhacdada la soo tabiyay.
Arrintan ayaa laga diwaangeliyay saldhigga booliiska ee Ikonge waxaana haatan socdaa baaritaano la xiriiro dhacdan iyadha oo la filaayo in tuhmanaha lagu soo oogo dhacwad.
Dadka deegaanka ayaa cambaareeyay falkan waxaa ayna ku baaqeen in sharciga la horkeeno baadarigan.