DHAGEYSO:DFS oo beenisay in ciidamo soomaali ah lagu dilay Itoobiya

0
619

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar Maalmihii la soo dhaafay Warbaahinta qaarkood ay baahiyeen ee ahaa in qaar kamid ah dhallinyaradii tababarka u jooga waddamada Dibadda ka qeyb galeen dagaalkii Waqooyiga dalka Itoobiya ka dhacay dhamaadkii Sanadkii hore halkaasna qaarkood lagu dilay.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur ay dadka qaar siyaasad ka raadinayaan.
Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka soo horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta iyo Baraha Bulshada waxaa aad looga hadal haayay in Boqolaal kamid ah Dhallinyaradii tababarka Ciidanimo loogu qaaday Ereteriya laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega Itoobiya kuna dhinteen.