Maxkamada Sare ee Mareykanka oo go’aan ka soo saartay amarka Trump ee daad gureynta

0
484

Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa ka hor istaagtay Madaxweyne Donald Trump oo si aan hore loo arag u adeegsaday sharci daahsoon oo uu ku tarxiilayo muhaajiriinta reer Venezuela iyadoon loo marin habraac cadaaladeed.
Xukunka degdegga ah ayaa lagu xusay in laba ka mid ah garsoorayaasha ugu muxaafidka ah ee guddiga sagaalka xubnood ka kooban ay diideen.
Amarka ayaa si ku meel gaar ah uga hortagaya dowladda in ay sii wado daad gureynta muhaajiriinta sida uu dhigayo sharciga 1798 ee Alien Enemies Act kaasoo markii ugu dambeeysay loo isticmaali jiray in lagu daad gureeyo muwaadiniinta dhalasha ahaan ka soo jeedo Japan intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka.
Trump ayaa bishii hore daaha ka qaaday in sharcigan loo isticmaalo si dadka Venezuela u dhashay loogu masaafuriyo xabsiga caanka ah ee El Salvador.