Holwlgalo amni oo ka socda magaalada Jowhar

0
399

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa aroornimadii hore ee saakay waxay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen Xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.
Sida ay Saraakiishu xaqiijiyeen howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ku socday ayaa waxay ciidamada Booliska si gaar ah kaga sameeyeen deegaanada ku xeeran goobihii Maalmo ka hor dagaalka uu ka dhacay, Waxaana lagu soo qabtay rag la tuhmayo inay ka tirsan yihiin maleeshiyadii magaalada kula dagaalamay Ciidamada amaanka sidoo kalena wali ku dhuumaaleysanaya Gudaha Magaaladaasi.
Howlgalka ayaa waxaa Hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle Xasan Dhicisow.
Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelda dhexe ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo horjeeday qof iyaga ka tirsanaa oo ay xireen Ciidanka booliska Hirshabeelle.