Madaxweynihii hore ee Peru oo 15 sano oo xarig ah lagu xukumay

0
353

Maxkamad ku taal dalka Peru ayaa ku xukuntay madaxwaynihii hore ee waddankaas Ollanta Humala iyo xaaskiisa 15 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay danbiyo la xiriira fadeexad musuqmaasuq oo caalami ah oo la xiriirta shirkadda dhismaha ee laga leeyahay Brazil ee Odebrecht oo laaluush siisay siyaasiyiin.
Maxkamaddu waxay 62-jirkan iyo xaaskiisa Nadine Heredia ku heshay dambi ah inay lacago sharci darro ah ka qaateen Odebrecht iyo dowladda Venezuela laba olole oo madaxtinimo.
Qareenadna Humala ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday.
Garsoore Nayko Coronado ayaa sidoo kale amar ku bixisay in la xiro Heredia, oo aan soo xaadirin dhageysiga xukunka, waxaana ay magangalyo weydiisatay safaaradda Brazil ee magaalada Lima.