Gabdho ku dhintay goob ay biyo fadhiyeen oo ku taala duleedka Garoowe
Sida ay warbaahinta Soomaaliya Baahisay Waxaa ku geeriyooday Deegaanka Biyo-cadde oo jihada bari ka xiga magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland labo gabdhood oo dhallinyaro ahaa ka dib markii ay liqday xurfad biyo fariisin ah oo deegaankaasi ku taala oo ay u dabaal tagee sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale.
Booliska Garoowe ayaa Xalay Maydka Gabdhahaan waxay keeneen Cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe waxaana dad’dooda lagu kala sheegay 14 sano jir ah iyo 8 sano jir.
Taliska qaybta Booliiska Gobalka Nugaal ayaa horay uga digay waalidiinta inay ubadkooda ku fasaxaan khatarta ka dhalan karta dabaasha ay u aadan togaga iyo xurfadaha biyo fariisinka ah ee ku yaala duleedada Magaalada Garoowe.
Geerida labadaan Gabdhood ee ay liqday xirfadda biyo Cadde ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa tiro kor u dhaafaysa illaa 5 ruux oo ku nafwaayay durdurada, ceelasha iyo Xurfadaha u dhaw Magaalada Garoowe oo inta badan ay u dabaal-tagaan dad u badan dhallinyaro xiisaynaysa Dabaasha iyo dalxiiska.