Ruushka oo Ukraine ku dishay in ka badan 34 qof

0
557

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay weerarkii madfaca loo adeegsaday ee uu Ruushka ku bartilmaameedsaday magaalada Sumy ee ku taalla Waqooyiga Bari ee dalka Ukraine.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 34 qof.
Waxaa duqeyntaasi ku dhaawacmay in ka badan 100 ruux oo kale.
Waxaa sidatan sheegay madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo xusay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen 2 carruur ah.