Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa rajo weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo.”
Madaxweynaha oo waraysi siiyay Wargayska The New York Times, kahor safar la filayo inuu Washington ku tago bartamaha sannadkan, ayaa sheegay in dib-u-doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta.
Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyay saaxiibo badan ku yeelatay golayaasha Mareykanka iyo xisbiga talada haya ee Jamhuuriga, taasoo sahashay in olole lagu doonayo aqoonsigeedu uu ka dhex billaabmo golayaasha sharci-dajinta iyo xisbiga Jamhuuriga, kaasi oo ay qayb ka yihiin dad si weyn ugu dhow Trump.
Saraakiil badan oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa dabada ka riixaya in Washington ay dib u qiimayn ku samayso siyaasaddeeda ku saleysan “Soomaaliya mid ah,” taas oo ay ku tilmaameen mid aan dan u ahayn cid aan ka ahayn Shiinaha.
Waxay ku doodayaan in Somaliland ay ka marantahay saamaynta Shiinaha iyo Turkiga, sidaas darteedna ay mudan tahay in lala kaashado sugidda amniga marinada badda iyo ka hortagga Shiinaha.
Falanqeeyayaasha Mashruuca 2025 ee uu Trump ku hawl galo ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu u guuro magaalada Berbera oo leh saldhig ciidan oo diyaar ah, kadib saaxiibtinimada sii kordhaysa ee Jabuuti iyo Soomaaliya ay la leeyihiin Shiinaha, iyo Jabuuti oo diiday in Mareykanku weerarro ka qaado saldhigga waddankeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakaal, ayaa sheegay in wafdi sare oo ka socda Somaliland ay bisha May gaari doonaan Mareykanka, kadibna uu Madaxweyne Cirro u safri doono Washington bisha July, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in ugu dambayn ay Somaliland aqoonsi heli doonto.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Cirro oo sheegay in Trump uu yahay fursadii ugu muhiimsaneed ee...