Israa’iil oo 22 qof oo falastiiniyiin ah ku dishey degmada Shujaye ee Qaza

0
359

Ugu yaraan 22 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, 55 kalana waa lagu dhaawacay, 80 kalena waa lagu la’yahay duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka geysatay degmada Shujaye ee bariga magaalada Gaza.
Hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in weerar ay Israa’iil ku qaadday meel u dhow xarunteeda caafimaadka oo ku taal aagga nabdoon ee al-Mawasi ee koonfurta Gaza.