DHAGEYSO:Rw Rooble oo kulan casho ah la qaatay hoggaanka maamullada qaarkood

0
457

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa xalay kulan Casho ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu Kulankaan qayb ka yahay Diyaar garowga shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kaasoo ay ka qeyb galayaan Saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka.
Shirkaan ayaa waxaa hoggaamin doono Rw Maxamad Xuseen Rooble oo dhowaan Madaxweynuhu ku Wareejiyay mas’uuliyadda doorashada iyo amniga.
Waxaa uu Xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxda maamullada Galmudug,Koonfur Galbeed,Jubaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhamaantooda Muqdisho ku sugan ,waxaana la filayaa inay Muqdisho Yimaadaan saacadaha soo aadan Madaxda Maamulada Puntland iyo Hirshabelle kuwaasoo Xafiiska ra’isulwasaaruhu sheegay inay Sababa Jira Awgood dib ugu dhaceen.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa kulanka gaarka ah ee uu ra’isul wasaaruhu la qaatay Xalay qaar ka mid ah Hoggaanka Maamullada Warbaahinta Faahfaahin ka siiyay wuxuuna sheegay in shirku ku socdo habkii loogu tala galay Xafiiska Ra’iisul wasaaruhuna si aad ah ugu diyaar garoobay.

Ilaa Maanta iyo Beri Galinka hore ayaa la filayaa inay dhamaan Hogaanka Maamulada Soomaaliya soo gaaraan Magaalada Muqdisho sida ay wararku sheegayaa Shirka ayaayna Macquul tahay inuu furmi doona maalinta sabtida ah ee Beri ugu danbayn galinka danbe.
Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa lagu sheegay in shirka dowlada dhexe iyo Maamul ee ka dhacaya magaalada Muqdisho uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay inaan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Waxay ku bogaadiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkaan ayagoo Rajeeyay inuu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.
Beesha Caalamka ayaa soo dhowaysay ballanqaadka dhammaan madaxda Maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.
waxayna ugu baaqeen madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.