Diyaaradaha Mareykanka ayaa ugu yaraan afar qof ku dilay magaalada Sanca ee dalka Yemen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Weeraradii ka dhacay caasimadda Axaddii ayaa lagu beegsaday guri waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qof oo kale oo ay ku jiraan afar haween iyo carruur ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo kale ka fuliyay deegaanka Al Jabal al Aswad ee degmada Bani Matar ee galbeedka caasimadda.
Wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay.