Afar qof ayaa lagu xukumay 25 sano oo xabsi ah midkiiba kadib markii lagu helay dambi ah inay garaac ku dileen wiil 19 sano jir ahaa.
Axmad Maxamad Ismaciil ayaa ahaa ardey fasalka afaraad ee dugsiga sare kaasoo lagu eedeeyay inu xaday taleefoonka gacanta.
Julieta Ayieta, Benjamin Njenga, Paul Osinde iyo Gregory Mukhori ayaa la sheegay in ay dambiga ka geysteen magaalada Eldoret 2-dii bishii June ee 2023-kii.
Ismaaciil oo lagu eedeeyay inuu ka xaday taleefoonka gacanta ah arday jaamacadeed, ayaa u dhintay dhaawac culus oo madaxa ka soo gaaray dhacdadan ayaana ka dhacday xaafada West Indies ee magaalada Eldoret.
Afarta qof ayaa waxaa xukuntay Maxkamadda Sare ee magaalada Eldoret iyadoo xukunka uu aqriyay garsoore Reuben Nyambati Nyakundi.