Congo iyo M23 oo kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Qatar

0
337

Mas’uuliyiin ka kala socota dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo fallaagada M23 ayaa kulankoodii ugu horeeyay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Waxaa arrintan wakaalada wararka ee Reuters la wadaagay ilo wareedyo.
Kulanka ayaa ah midkii ugu horreeyay oo si toos ah ay u yeeshaan mas’uuliyiinta labada dhinac tan iyo markii ay fallagada M23 qabsadeen 2-da magaalo ee ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo DRC.
Wada hadallada ayaa la filayaa inay ka sii socdaan toddobaadka soo socda magaalada Dooxa iyaga oo muujinaayo rajada ugu weyn ee lagu soo afjari lahaa dagaalka.