Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay geerida M.ku xigeenkii Hore ee Puntland

0
502

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Maamulka Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Maamul Goboleedka Puntland. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Xilligii Dowladdii dhexe, wuxuuna soo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo ayaa sidoo kale Tilmaamay in Marxuum Cabdisamad Cali shire uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Qayimka Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga rajeyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo Guud ahaan Umada Soomaaliyeed iyo Si gaar ah Qoyskiisa.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska ee loo samaynaayo AUN naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.
Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah Wasiirka Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud oo Guddoomiye u ah gudiga,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan,Wasiirka,Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan,Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan,Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere,Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen,Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed iyo ugu danbayn Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre.
Alle ha u Naxariistee saaka ayuu Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Janeraal Cabdisamad Cali Shire,kadib markii uu Maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa Magaalada Hargeysa, balse dhawaan la keenay Magaalada Muqsisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.
Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdisamad Cali Shire oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland xilligii Cabdiraxmaan Faroole wuxuuna Xilkaas hayay laga bilaabo 8 Bishii January 2009- ilaa 8 January 2014-kii.
Waxaana Geeridiisa ka Tacsiyadeed Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Madaxda Maamulada Madaxweyneyaal iyo Ra’isulwasaareyaal hore ee Soomaaliya.