DHEGEYSO:Agoonta ku nool IFO oo la guddoon siiyay dhar ay ku ciidaan

0
987

Qaar ka mid ah carruurta agoonta ah ee ku nool xerada qaxootiga ee IFO ayaa maanta la guddoon siiyay dharkii ay ku ciidi lahaayeen.
Carruurtan oo dhigata machad si lacag la’aan ah wax loogu baro agoonta xerada IFO ayaa waxaa dharka ugu deeqay dhallinyaro soomaaliyeed oo ku sugan Maraykanka horayna ugu noolaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab.
Maamulaha xarunta agoonta ee xerada IFO , Sheekh Cabdilatiif Shariif Axmad ayaa ka mahad celiyay ubadka la caawiyay wuxuuna bulshada ku boorriyay in ay mar kasta garab siiso agoonta.