DHAGEYSO:Booliska Hirshabeelle oo soo bandhigay rag lagu qabtay shaqaaqo shalay Jowhar ka dhacday

0
557

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta soo bandhigay Maxaabiis iyo hub ay sheegeen in lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Jowhar.
Maxaabiista la soo bandhigay ayaa gaaraya ilaa lix oo 5 kamid ah ay Booliska Hir-Shabeelle horay u xireen, kuwaasoo muddo todobaad ah ku jiray Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.
Taliyaha Booliska Magalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in lixda Maxaabiista ah 5 kamid ah ay horay u xireen kana tirsan yihiin maleeshiyaad uu sheegay inay dhib ku haayeen Shacabka Magaalada halka midka lixaad isagoo dhaawac ah ay dagaalkii shalay ku qabteen.
Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray Taliyaha in raggii shalay ay kula dagaalameen Jowhar ay ahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo dadka Shacabka ah dhac iyo dil ugu geysan jiray Galbeed Magaalada, isla markaana samayn jiray falal lidi ku ahaa Amniga Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here