Dembi baarayaal ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa billaabay baaritaanno la xiriira kiis dil ah oo gabar dhallinyaro ah lagu dilay aagga Jua Kali ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Sida laga soo xigtay DCI-da laba nin oo tuhmanayaal ah ayaa isku dayay inay ceejiyaan gabarta ka hor inta aysan dadka deegaanka ku soo yaacin buuqa.
Dadka deegaanka oo soo gaaray goobta uu buuqa ka dhacay ayaa la kulmay gabartan oo jirta 20 sano oo aan wax dhaqdhaaq ah leheen taasoo keentay inay booliiska ku soo wargaliyaan.
Saraakiisha dambi baarista oo goobta soo gaaray ayaa diiwaangeliyay ka hor inta aysan u qaadin meydka inanta qolka meydadka ee City.
Dhacdadan ayaa muujineysa dib u soo laba kacleynta kiisaska ka dhanka ah dumarka ee dalka ka dhacay bilihii la soo dhaafay.
Xogtii u dambeysay ee ku xigeenka Taliya Guud ee booliiska Eliud Lagat, Kenya ayaa diiwaangelisay 97 kiis oo ka dhan ah dumarka saddexdii bilood ee la soo dhaafay.