Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed

0
497

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay isniintii markii diyaarad yar ay ku dhacday badda xilli ay ka soo kacday jasiiradda Honduras ee Caribbean-ka sida ay saraakiisha sheegeen.
Major Wilmer Guerrero oo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa saxaafada u sheegay in 10 qof laga soo saaray goobta uu shilka ka dhacay, kuwaas oo 6 ka mid ah ay ku dhinteen isbitaalka.
Saraakiisha ayaa warbixino is khilaafsan ka bixiyay tirada dadka la socday diyaaradda kuwaas oo ay kukala sheegeen inay yihiin 17 ama 18 qof.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda Lanhsa airlines ayaa ka soo duushay magaalada Roatan oo ka mid ah goobaha dalxiiska ee Honduras, iyadoo ku sii jeedda dekedda La Ceiba ee dhul weynaha dalkaas.
Madaxweynaha Honduras Xiomara Castro ayaa sheegtay in ay isla markiiba howl galisay guddi degdeg ah oo ka kooban ciidamada qalabka sida, dabdamiska iyo kuwa kale si ay u caawiyaan dhibanayaasha shilka.
Booliiska Honduras ayaa bayaan ku sheegay in diyaaraddan oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ay ku timid cilad farsamo ka hor inta aysan shilka galin.