Wasaaradda Waxbarashada oo 2 toddobaad oo kama dhambees ah u qabatay maamulayaasha dugsiyadda

0
236

Kumanaan arday ah oo u fariistay imtixaanadka qaran sida KCSE-da ayaa u xayiran shahaadooyin laan.
Ardaydan ka baxday dugsiyadda ayaan weli helin shahaadadooyikii ay ku sameyeen imtixanaadka taasoo loo aaneeyay lacaga looga leeyahay iskuulada.
Arrintan ayaa caqabad weyn ku noqotay qorshahoodii ahaa inay waxbarashadooda sii wataan ama ay raadsadaan fursado shaqo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Julius Migos Ogamba ayaa hadda ku amray dhammaan maamulayaasha dugsiyada inay si degdeg ah u fasaxaan shahaadooyinka, isagoo sheegay in haysashada dukumentiyada ay tahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin.
Macalimiinta shahaadooyinka gacanta ku haya ayaa la siiyay muddo 14 maalmood oo kama dambeys ah si ay u fasaxaan shahaadooyinkan ama ay wajahaan sharciga.