Boqortooyada waddanka Netherlands oo ku soo wajahan Kenya

0
86

Boqorka iyo Boqorada waddanka Netherlands Willem-Alexander iyo Máxima ayaa la filayaa inay ku yimaadaan Kenya booqasho afar maalmood ah oo bilaaban doonta Talaadada bari ah.
War murtiyeed ka soo baxay Boqortooyada Netherlands ayaa lagu sheegay in Boqorka iyo Boqorada ay ku wehlin doonaan wafdi wasiiro ah oo ka socda Holland si ay u sahmiyaan fursadaha maalgashi iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Weftigu waxa uu ka kooban yahay shirkado ku takhasusay Beeraha, Kaabayaasha Biyaha, iyo Maalgelin joogto ah.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mutahi Kagwe ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee JKIA ku soo dhaweyn doona madaxda ka socota dalka Netherlands.
Boqortooyada dalkaas ayaa waxaa ay casuumaad ka heleen madaxweynaha dalka William Ruto.
Kenya iyo dalka Netherlands waxaa ka dhaxeeya heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha ah.