Sakaja oo sheegay in waddada City Hall ee magaalada Nairobi loo xiri doono si ku meel gaar ah

0
118

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah sedhex maalmood loo xirayo Waddada City Hall inta u dhexeysa wareega waddadaas iyo Parliament road.
Sida lagu sheegay bayaan ku taariikhaysan 15-ka Maarso, xiritaankan ayaa dhici doonaa inta u dhaxaysa 17-ka March iyo 20-ka March waxana loo ogolaan doonaa isu diyaarinta ciyaaraha ka xeenta baabuurta ee WRC Safari Rally.
Bayaanka ayaa sidoo kale ku booriyay dareewaliinta isticmaalaan waddadan inay maraan waddooyin kale.
Waxaa kale oo loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-gelyada waddooyinka oo la geyn doono aagga si ay wax uga qabtaan isu socodka gaadiidka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo xarrunta dhexe ee ganacsiga ee Nairobi ay soo wajahdo hakad weyn oo isu socodka dadka iyo gaadiidka si loogu qabto munaasabadaha ciyaaraha.