Dowlada oo soo saartay tallaabooyiin ka dhan ah shaqaalaha Kenyaanka ah ee ka shaqeeya dibadda

0
229

Dawladda dalkani Kenya waxay soo saartay tillaabooyin adag oo dammaanad qaadaya dadka Kenyanka ah ee ka shaqeeya dibadda .
Xoghayaha guud ee horumarinta xirfadaha iyo shaqaalaha dalka ee Shadrack Mwadime, ayaa sheegay in dowladdu ay qalinka ku duugtay heshiisyo shaqo oo laba geesood ah kuwaas oo la doonayo in lagu ilaaliyo shaqaalaha Kenya.
Waxa uu sheegay in heshiisku yahay mid xuquuqul insaanka sida ku cad heshiiska Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO).
Waxa uu sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto xiriirka shaqada ee qof kasta si loo hubiyo in la ilaaliyo xuquuqda dadka Kenyaanka ah.
Xoghayaha guud ayaa sheegay in dowladdu ay soo saartay awaamiir adag oo ku wajahan safaaradaha dibadda ee dalka, iyadoo fareysa inay ka warqabaan shaqaalaha Kenyaanka ah.