Dambi baarayaasha dalka oo laba qof u xiray fal khiyaano ah

0
145

Ciidamada dambi baarista ee Kilimani ayaa xiray laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay Kenyaan ka khiyaameeyeen lacag dhan 1.1 milyan oo shilinka dalka ah ,iyagoona la galey heshiis baabuur oo been abuur ah.
Khiyaanada, oo ay baarayaashu sheegeen in ay soo bilaabatay 27-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii , waxaa ku lug lahaa mid ka mid ah tuhmanayaasha,oo lagu magacaabo Yunus Hamza Hussein, oo u dhashay waddanka Hindiya, kaas oo la sheegay in uu iska dhigay qof wax ka iibinaya shirkadda gawaarida ee Rana Motors oo ku taala wadada Ngong.
Ka dib markii la siiyay lacagta, Xuseen ayaa waayay isagoona aan wareejin baabuurkii laga iibsaday.
Nin kale oo lagu magacaabo Brian Omweri ayaa isagana loo xiray khiyaanadan.