7 ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Nairobi oo maxkamadda looga yeeray

0
363

Maxkamadda shaqada iyo xiriirka shaqaalaha ayaa u yeertay 7 xubnood oo ka tirsan guddiga dhaqangelinta heshiisyada ku saleysan gorgortanka ee (CBA) ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa laga doonaya in ay faahfaahin ka bixiyaan shaqo joojinta ay ku guda jiraan dhakhaatiirta ka howlgalo isbitaallada ay maamusho dowladda hoose ee Nairobi.
Saraakiisha loo yeeray waxaa ka mid ah xoghayaha ismaamulka , wasiirka caafimaadka, sarkaalka sare ee waaxda caafimaadka ee Nairobi iyo xubno kale.
Shaqo joojinta dhakhaatiirta oo soo billaabatay 28-kii bishii hore ayaa saameyn ku yeelatay bukaannada ku jiro isbitaallada dowliga ah ee ismaamulka Nairobi sida Mbagathi, Mama Lucy, Pumwani, Mama Margaret iyo kuwa kale.
Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa bayaan ku sheegay in howlwadeennada shaqo joojinta ku guda jiro ay ka cabanayaan mushaaraad si aan cadaalad ahayn looga joojiyay , dallacsiin la’aan iyo arrimo kale oo lagu heshiiyay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ay dowladda ismaamulka Nairobi la xariirayeen tan iyo sanadkii 2023-kii balse aan la xallin tabashooyinkooda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in qaar ka mid ah shaqada laga joojiyay iyadoo aan la marin habraaca habboon.