In ka badan 1,300 oo qof oo lagu dilay Syria

0
95

Hay’ad dabagal ku sameysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka Syria oo uu fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 1,383 qof oo shacab ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dilalkan ay intooda badan ka dhasheen shaqaaqooyin dhawaan saameeyay xeebta Mediterranean-ka ee Syria.
Hay’adda SOHR ayaa laga soo xigtay in dilalkan ay gaysteen saraakiisha ammaanka iyo kooxo gacansaar la leh.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in kastoo ay rabshaddu hoos u dhacday haddana in weli meydad dheeraad ah laga soo saaraya dhul beereed iyo guriyo.
Dhimashooyinkan ayaa laga diiwaangeliyay gobollada xeebta ee Latakia iyo Tartus iyo gobolka ku yaalla bartamaha Syria ee Hama.
Hay’adda ayaa sidoo kale saraakiisha ammaanka iyo kooxaha xulafada la ah ku eedeysay in ay dad rayid si qasab ah ku barakiciyeen oo ayna guriyo gubeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo macluumaadka rasmiga ah ee dowladda Syria ay muujinayaan in rabshadaha ay ku dhinteen ugu yaraan 231 ka mid ah ciidamada ammaanka.
Hay’adda SOHR ayaa dhankeeda sheegaysa in isku dhacyada ay ku nafwaayeen 250 ah dagaalyahaanno taabacsan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Syria Bashar Al-Assad.