Waxaa lagu soo warramayaa in go’doominta buuxda ee Marinka Qaza ee ay Israa’iil sameysay ay shacabka halkaasi ku nool maalinkii 12-aad dareemayaan saameynta tallaabadaasi.
Dadweynaha ayaan haysanin cunto, shidaal iyo daawooyin maadaama aynan Israa’iil oggolaan in waxyaabahan la geeyo Qaza.
Dhanka kale, waxaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ka socdo wada hadallada dhexdhexaadinta Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 ka mid ah dalalka carbeed ay ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff la wadaageen qorshaha ay Masar hoggaaminaysa ee dib loogu dhisaya Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay sheegtay in duullaanka militari ee Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 48,515 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 111,941 kale.