Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa wado baaritaanno ku aaddan dagaal beeleed ka dhacay ismaamulka Samburu .
NCIC oo bayaan soo saartay ayaa walaac ka muujisay xiisadda sii kordhaysa ee degmooyinka Kilepoi Kawap iyo Baragoi.
Waxaa iskudhacyada ku nafwaayey 5 qof halka la dhacay xoolo ah qiyaastii 800 oo neef.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ayaa cambaareeyay dagaal beeleedyada saameeyay dowlad deegaanka Samburu wuxuuna ku tilmaamay falal badowtinnimo ah oo ka baxsan baniaadannimada.
NCIC ayaa dhammaan dhinacyada dagaallamaya ugu baaqday in ay colaadda joojiyaan waxayna wacad ku martay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo, tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu caddeeyo ku lug lahaanshaha shaqaaqooyinka.