Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mutahi Kagwe ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo 27,518 kartoon oo ah bacrimin laga soo gudbay wakhtigii loogu talagalay in la isticmaalo.
Waxay bacrimintan taallaa bakhaarrada guddiga qaran ee kaydinta dalagyada ee (NCPB) guud ahaan waddanka.
Mutahi Kagwe ayaa war murtiyeed uu maanta soo saaray ku xusay in shirkadda tayadhowrka dalka ee (KEBS) ay kormeeri doonto burburinta bacrimintan.
Waxaa uu sheegay in bacrimintan guddiga NCPB lagu wareejiyay intii u dhexeysay 27-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore iyo 6-dii bishii Koowaad ee sanadkan.
Wasiirka ayaa xusay in shirkadda Fine Tech Edge Limited oo bacrimintan qaybisay laga dalbaday in ay keento mid kale oo muddo dheer la adeegsan karo.