Booliiska deegaanka Kadibo ee ismaamulka Kisumu ayaa si xoogan u baadigoobaya gabar 19 sano jir ah oo ardayad ah taasi oo la sheegay in ay tooreey ku dishay adeerkeed oo 41 sano jir ah xaafada Ong’eche ee deegaankaas.
Dhacdadan oo naxdin ku noqotay bulshada deegaanka, ayaa la sheegay in ay ka dhalatay dhaqan xumada uu adeerka u sameeyay, gaar ahaan markii uu guriga ku soo laabtay isaga oo sakhraansan.
Sida laga soo xigtay guddoomiye xafadeedka deegaanka Katho Hesbon Nyabanda, qofka geeriyooday ayaa taariikh u lahaa in uu dhibaato u geysto eedadhiis oo sidoo kale ah ayeeyada tuhmanaha.
Gabadha da’da yar, oo ah ardayad fasalka afaraad ee dugsiga sare ee deegaanka ayaa la nooleed ayeeydeed oo da’ ah.
Nyabanda ayaa sharaxay in dhacdadan naxdinta leh ay dhacday xalay markii adeerka uu guriga ku soo laabtay isagoo sakhraansan oo uu bilaabay inuu dhibaateeyo eedadhiis.
Arintan ayaa la sheegay in ay ka careysiisay inanta yar taasi oo keentay in uu muran xoogan uu dhex maro iyada iyo adeerkeed.
Gabadhan dhalinyarada ah ayaa durba goobta ka baxsatay falkaasi kadib, waxaana wali baadi goobayaa ciidamada booliiska.
Meydka ninka geeriyooday ayaa loo gudbiyay qeybta meydadka ee Isbitaalka hoose ee Ahero si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Mas’uuliyinta ayaa ugu baaqaya cid kasta oo xog ka haysa halka ay ku sugan tahay eedaysanaha in ay u soo baxaan si ay gacan uga geystaan baaritaanka.