NACADA oo howlgal ka sameysay goob lagu caweeyo

0
929

Maamulka ololaha qaran ee ka dhanka ah maandooriyaha ee NACADA ayaa howlgal ka fuliyay goobta caanka ah ee lagu caweeyo ee Pulse Lounge, oo ku taalla agagaarka waddada Lang’ata Road ee ismaamulka Nairobi.
Waxay saraakiisha howlgalka ku soo qabteen 16 ah agabka lagu isticmaalo shiishadda iyo 106 kartoon oo ah waxyaabaha laga sameeyo.
Howlgalka xalay ayaa sidoo kale lagu xiray labo eedeysanayaal oo lagu wado in maxkamadda la soo taago.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay agaasimaha dhaqangelinta xeerarka ee maamulka NACADA ,James Koskey.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka shiishadda iyadoo la raacaya go’aankii lagu mamnuucay ee sanadkii 2017-kii.