129 kenyaan ah oo laga soo badbaadiyay Myanmar

0
956

Safiirka Kenya ku matalo dalka Thailand Ambasadoor Kiptiness Lindsay Kimwole ayaa shaaciyay in 129 ruux oo u dhashay waddanka kuwaasoo laga soo samatabixiyay dalka Myanmar in hadda ay ku xanniban yihiin xadka Thailand.
Waxaa uu telefishinka maxalliga ee Citizen u sheegay in dowladda Thailand ay shuruudo adag dul dhigtay ajaaniibta ku xayiran xadkeeda.
Waxaa shuruudahan ka mid ah in 300 oo ajaaniib ah maalin kasta loo oggol yahay in ay gudaha u galaan Thailand.
Danjiraha ayaa intaasi ku daray in tirada guud ee dadka ku xanniban xadka ay wadaagaan dalalka Myanmar iyo Thailand ay tahay 7,000 qof.
Sidoo kale , ajaaniibta marka laga reebo kuwa u dhashay Shiinaha ayaa xadka lagu qaabilayaa keliya maalmaha Isniinta iyo Talaadada.
Maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcada waxaa loogu talagalay qaabiladda dadka ka soo jeedo Shiinaha.
Waxaa caqabad kale ah in kenyaanka halkaasi ku sugan laga doonaya in ay oggolaansho ka helaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Myanmar.
Danjiraha ayaa xusay in dadka ay gacanta ugu jiraan labo koox oo burcad ah oo kala ah (DKBA) iyo (BGF) kuwaasoo la dagaallamaya militariga Myanmar.
Waxaa uu sheegay in BGF ay diyaar u tahay in ay dhibbanayaasha ku wareejiso dowladda Myanmar balse waxaa qorshahaasi diiddan kooxda kale ee DKBA oo rabto in ay shakhsiyaadka u gacan geliso dowladda Thailand.
Waxaa uu dadweynaha u xaqiijiyay in dowladdu ay ku dadaalaysa sidii kenyaanka halkaasi ku xanniban dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.