Booliiska oo baaraya toogashadii ka dhacday Shauri Moyo

0
595

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu guda galay baaritaan ku aaddan dhacdo 4-tii bishan lagu toogtay mid ka mid ah dhallinyarada Majengo oo ka tirsan xaafadda Shauri Moyo ee ismaamulka Nairobi.
Afhayeenka booliiska dalka Muchiri Nyaga ayaa bayaan ku sheegay in la aqoonsaday sarkaal ku eedeysan inuu toogashadaasi gaystay.
Waxaa uu intaasi ku daray in askariga la tuhmay laga qaaday hubkiisi sidoo kalena si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay iyadoo arrintan lagu war geliyay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo qaybta arrimaha gudaha ee booliiska ayaa qoraalka lagu sheegay in ay wadaan baaritaanno daahfuran.
NPS ayaa dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada Majengo ku boorrisay in ay isdejiyaan oo ay la shaqeeyaan dambi baarayaasha iyagoo la wadaagaya xogaha muhiimka ah ee la xiriira toogashadii lagu dilay Ibrahim Ramadan Chege oo 17 sano jir ahaa.
Shalay ayay ahayd markii ay dibadbaxyo ka dhaceen xaafaddaasi.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ayaa sheegtay in ay daaweysay ilaa 37 qof oo ay dhaawacyo ka soo gaareen dibadbaxyada halka labo ka mid ah dhaawaca oo ay xaaladooda caafimaad liidatay la geeyay isbitaalka wayn ee Kenyatta.
Waxaa sidoo kale falkaasi cambaareeyay oo baaritaano qoto dheer dalbaday xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi.