Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.
Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Qaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.
Raa’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Waxaa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.
Xamse ayaa sidoo kale khudbaddiisa uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha.
Ugu dambeyn, Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo biniโaaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara.
Home Wararka Soomaaliya ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ต๐๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฑ ๐ฑ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ฟ ๐ธ๐ฎ ๐ท๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐ ๐๐ต๐ถ๐ฟ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ