Sida laga soo xigtay adeeyada degdegga ee maxaliga ah waxaa magaalada Barcelona ee dalka Spain isku dhacay laba bas.
Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaiyo 34 ruux oo afar ka mid ah uu aad u culus yahay dhaawacooda.
Saraakiisha ayaan weli shaacin dalalka ay ka kala soo jeedaan dalasha ahaan dadka dhaawaca ah.
Shilka ayaa ka dhacay aaga Avinguda Diagonal, oo ka mid ah waddooyinka ugu ballaaran uguna muhiimsan Barcelona, oo aan ka fogeyn bartamaha magaalada.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli magaalada Barcelona iyo guud ahaan dalka Spain ay roobab ka da’een, isla markaana ay xireen isu socodkii magaalada Barcelona maalintii uu furmay shirka sannadlaha ah ee Mobile World Congress (MWC) oo ah bandhigga tignoolajiyada wireless-ka ee ugu weyn adduunka kaas oo lagu wado in ay ka soo qaybgalaan 100,000 oo qof.
Sida laga soo xigtay dad goob joogayaal ah oo u waramay wargeyska ka soo baxa magaalada Barcelona ee La Vanguardia, mid ka mid ah baska ayaa kan kale ka dhacay dhabarka, kaas oo isna ku dhacay geed ku yaalay waddada.