Cudur oo saraakiisha caafimaadka aysan wali aqoonsanin oo toddobaadkii 3-aad ku habsaday shacabka Kisii

0
199

Dadaallo lagu ogaanayo laguna xakameynayo cudurka dahsoon ee ismaamulka Kisii ayaa sii xoogeystay iyadoo dad badan ay sii xanuunsanayaan.
Ugu yaraan 20 bukaan oo kale ayaa la dhigay isbitaalka oo leh astaamo isku mid ah, taasoo keentay in saraakiisha wasaaradda caafimaadka ay baaraan ilaha biyaha ee tuulada oo ay sabab u tahay.
Tiradaa guud ee dadka cudurka uu saameyay ayaa ah in ka badan 220 qof.
Cudurkan ayaa 3-dii toddobaad ee la soo daafay ka dhilaacay tuulooyiinka deegaanka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii.
Waxaa sii xoogeystay dadaallada lagu ogaanayo sababta cudurkan iyo halka uu ka yimid. Saraakiil ka tirsan xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaaladatani Nairobi ayaa iska kaashanaya dhigooda ismaamulka Kisii oo kormeer shaqo ku tagay mid ka mid ah tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ee Amarongo.
Baaritaankooda ayaa diiradda saaray ilaha biyaha ee deegaanka, iyagoo raadinaya tilmaamo furi kara sirta ka dambeysa cudurka.
Dadka ku nool tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ku baaqaya in la dardargeliyo baaritaanada.