Meydka asakari Kenyaan ah oo lagu dilay dalka Haiti oo usbuucan la soo qaadi doono

0
461

Meydka askari ka tirsanaa booliiska Kenya oo la toogtay xilli uu roondo ku joogay dalka Haiti ayaa lagu wadaa in dib loo soo celiyo inta u dhexeysa 4-ta ilaa 6-da bishan Maarso, sida uu xaqiijiyay taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja.
Isagoo ka hadlayay xaflad Axadii lagu qabtay Naserian, ee bariga ismaamulka Kajiado halkaas oo qoyska sarkaalka ay isugu yimaadeen.
Wuxuu tacsi u diray aabaha sarkaalka, oo lagu magacaabo Mzee Kaetuai Lesaru Saash, isagoo ku tilmaamay sarkaalka la dilay inuu ahaa geesi dhintay isagoo ka shaqeynaya soo celinta nidaamka waddanka Haiti.
Taliyaha Waxaa la socday saraakiil sare oo ka tirsan booliska iyo madaxda deegaanka kuwaas oo u baroordiiqayay sarkaalka dhintay.
Sarkaalka la dilay ayaa qeyb ka ahaa Hawlgalka Taageerada Ammaanka ee Caalamiga ah (MSS), waxaana la toogtay 23-kii bishii hore ee Febraayo ka dib markii kooxo burcad ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada kenyaanka ah oo roondo samaynayay .
Kenya ayaa in ka badan 600 oo askari oo booliis ah geysay Haiti si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (MSS), iyadoo qorshuhu yahay in Haiti loo diro 1,000 sarkaal oo dheeraad.