3 qof oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay dalka Faransiiska

0
600

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta Garance oo ku dhufatay jasiiradda La Reunion ee dalka Faransiiska, iyadoo ku socota xawaare dabaysha ah ilaa 155m/h saacadiba sida ay sheegeen booliiska Faransiiska.
Duufaantan ayaa ku dhufatay ayaa sido kale ku dhufatay waqooyiga jasiiradda Badweynta Hindiya ee bariga waddanka Madagaskar, iyadoo ay dumisay saqafyada guriyo la dagan yahay , waxayna jartay koronto iyo biyo ay cabbaan dad badan oo deggaanka ah.